U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 26

An-Noor 24:26

النور

ٱلْخَبِيثَـٰتُ لِلْخَبِيثِينَ وَٱلْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَـٰتِ ۖ وَٱلطَّيِّبَـٰتُ لِلطَّيِّبِينَ وَٱلطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَـٰتِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ

Macne

26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican [13] waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.

[13]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: Haweenka xun waxay u sugnaadeen nimanka xun, nimanka xunna waxaa u sugnaaday haween xun, haweenka wanaagsan waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, nimanka wanaagsanna waxaa u sugnaaday haween wanaagsan. Arrinkanina waa sida qaalibka ah laakiin way dhacdaa inkastoo ayan badneyn in naag xumi uu ku soo aado nin wanaagsan, nin xunna ay ku soo aaddo naag wanaagsan, naag wanaagsanina uu ku soo aado nin xun, nin wanaagsanina ay ku soo aaddo naag xun. Laakiin waa in yar.
Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net