An-Noor 24:22
النوروَلَا يَأْتَلِ أُو۟لُوا۟ ٱلْفَضْلِ مِنكُمْ وَٱلسَّعَةِ أَن يُؤْتُوٓا۟ أُو۟لِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينَ وَٱلْمُهَـٰجِرِينَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ وَلْيَعْفُوا۟ وَلْيَصْفَحُوٓا۟ ۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغْفِرَ ٱللَّهُ لَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo [11]?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
[11]. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net