U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 11

An-Noor 24:11

النور

إِنَّ ٱلَّذِينَ جَآءُو بِٱلْإِفْكِ عُصْبَةٌ مِّنكُمْ ۚ لَا تَحْسَبُوهُ شَرًّا لَّكُم ۖ بَلْ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۚ لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُم مَّا ٱكْتَسَبَ مِنَ ٱلْإِثْمِ ۚ وَٱلَّذِى تَوَلَّىٰ كِبْرَهُۥ مِنْهُمْ لَهُۥ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Macne

11. Xaqiiq, kuwa la yimid been abuurka 'qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.' [6] waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. Kan qaybta weyn ka qaatay [7] ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab weyn.

[6]. Waxay tilmaameysaa dhacdadii markii xaaska Nabiga s.c.w. Caa’isha a.k.r ay been ugu tuhmeen munaafiqiinta inay la timid gogol dhaaf.
[7]. Waa Cabdullaah bin Ubay bin Salool, madaxii munaafiqiinta waagaas.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net