U bood nuxurka
Suuradda 20 · Aayadda 87

Taa-Haa 20:87

طه

قَالُوا۟ مَآ أَخْلَفْنَا مَوْعِدَكَ بِمَلْكِنَا وَلَـٰكِنَّا حُمِّلْنَآ أَوْزَارًا مِّن زِينَةِ ٱلْقَوْمِ فَقَذَفْنَـٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلْقَى ٱلسَّامِرِىُّ

Macne

87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen [17], markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.

[17]. Waxaa horay loo amray inay soo qaataan waxyaalihii ay isku qurxin jireen dadkii Masar ee dahabka ahaa, markaasuu wuxuu amray Saamiri inay ku tuuraan dahabkaa dab si ay uga sameeyaan sanam leh muuqaal dibi oo kale, markaasay dabkii ku tuureen, Saamirina ku tuuray sidoo kale iyo carro uu ka soo qaaday raadka faraskii Jabriil oo uu arkay, markaasaa waxaa ka soo baxay sanam muuqaal dibi leh ay ilmihii Israa’iil qaarkood caabudeen. Saamiri wuxuu ahaa munaafiq ku dhex jiray ilmihii Israa’iil oo u horseeday sanam caabudka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Taa-Haa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net