Taa-Haa 20:86
طهفَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَـٰنَ أَسِفًا ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْدًا حَسَنًا ۚ أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ ٱلْعَهْدُ أَمْ أَرَدتُّمْ أَن يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُم مَّوْعِدِى
86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan [16]? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”
[16]. La jirka Nabigiin si uu idiinku soo qaado Kitaabka Towreedda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net