Al-Baqara 2:90
البقرةبِئْسَمَا ٱشْتَرَوْا۟ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمْ أَن يَكْفُرُوا۟ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بَغْيًا أَن يُنَزِّلَ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ ۖ فَبَآءُو بِغَضَبٍ عَلَىٰ غَضَبٍ ۚ وَلِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ
90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho [19]. Gaaladu waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
[19]. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafiddoodii Nabi Muuse c.s. iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net