Al-Baqara 2:27
البقرةٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مِيثَـٰقِهِۦ وَيَقْطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ
27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray [8].
[8]. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Alle ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro denbi aad u weyn aanse diinta looga bixin.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net