Al-Baqara 2:262
البقرةٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَٰلَهُمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ لَا يُتْبِعُونَ مَآ أَنفَقُوا۟ مَنًّا وَلَآ أَذًى ۙ لَّهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho [79] iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
[79]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net