U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 235

Al-Baqara 2:235

البقرة

وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِيمَا عَرَّضْتُم بِهِۦ مِنْ خِطْبَةِ ٱلنِّسَآءِ أَوْ أَكْنَنتُمْ فِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمْ سَتَذْكُرُونَهُنَّ وَلَـٰكِن لَّا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّآ أَن تَقُولُوا۟ قَوْلًا مَّعْرُوفًا ۚ وَلَا تَعْزِمُوا۟ عُقْدَةَ ٱلنِّكَاحِ حَتَّىٰ يَبْلُغَ ٱلْكِتَـٰبُ أَجَلَهُۥ ۚ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِىٓ أَنفُسِكُمْ فَٱحْذَرُوهُ ۚ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٌ

Macne

235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan [68] ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaada inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.

[68]. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net