Al-Baqara 2:213
البقرةكَانَ ٱلنَّاسُ أُمَّةً وَٰحِدَةً فَبَعَثَ ٱللَّهُ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَأَنزَلَ مَعَهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ لِيَحْكُمَ بَيْنَ ٱلنَّاسِ فِيمَا ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ ۚ وَمَا ٱخْتَلَفَ فِيهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ أُوتُوهُ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۖ فَهَدَى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لِمَا ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ مِنَ ٱلْحَقِّ بِإِذْنِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ يَهْدِى مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Alle soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Alle Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Alle wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net