Al-Baqara 2:144
البقرةقَدْ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجْهِكَ فِى ٱلسَّمَآءِ ۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبْلَةً تَرْضَىٰهَا ۚ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنتُمْ فَوَلُّوا۟ وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُۥ ۗ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ لَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ
144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Alle ma mooga waxaad fashaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net