U bood nuxurka
Suuradda 18 · Aayadda 19

Al-Kahf 18:19

الكهف

وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَـٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ ۚ قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ ۖ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۚ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَـٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا

Macne

19. Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Kahf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net