Al-Israa 17:78
الإسراءأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِدُلُوكِ ٱلشَّمْسِ إِلَىٰ غَسَقِ ٱلَّيْلِ وَقُرْءَانَ ٱلْفَجْرِ ۖ إِنَّ قُرْءَانَ ٱلْفَجْرِ كَانَ مَشْهُودًا
78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto [27] ilaa mugdiga habeenka [28] oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore [29]; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro [30].
[27]. Salaadaha Duhurka iyo Casarka.
[28]. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha.
[29]. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.
[30]. Ay soo xaadiraan malaa’igta habeenka iyo malaa’igta maalinta.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net