Al-Israa 17:7
الإسراءإِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ ۖ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا ۚ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ ٱلْـَٔاخِرَةِ لِيَسُـۥٓـُٔوا۟ وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا۟ مَا عَلَوْا۟ تَتْبِيرًا
7. Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid 'Waxaan soo dirnay cadowyadiinna' [6] si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.
[6]. Bukhtanassar iyo ciidankiisa.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net