Al-Israa 17:2
الإسراءوَءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَـٰبَ وَجَعَلْنَـٰهُ هُدًى لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَلَّا تَتَّخِذُوا۟ مِن دُونِى وَكِيلًا
2. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan [2].
[2]. Waa inaad ku kalsoonaataan oo isku halleysaan Alle oo tala saarataan idinkoo yaqiinsan inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa yahay Kan haya wax iyo arrin walba xilkood oo idin xafida.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net