Ar-Ra'd 13:8
الرعدٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ ۖ وَكُلُّ شَىْءٍ عِندَهُۥ بِمِقْدَارٍ
8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo [6], iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba [7]. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.
[6]. Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira.
[7]. Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net