U bood nuxurka
Suuradda 11 · Aayadda 78

Hud 11:78

هود

وَجَآءَهُۥ قَوْمُهُۥ يُهْرَعُونَ إِلَيْهِ وَمِن قَبْلُ كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ۚ قَالَ يَـٰقَوْمِ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِى هُنَّ أَطْهَرُ لَكُمْ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ فِى ضَيْفِىٓ ۖ أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ

Macne

78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun [23]. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii [24], iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?

[23]. Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada).
[24]. Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Hud

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net