U bood nuxurka
Suuradda 11 · Aayadda 77

Hud 11:77

هود

وَلَمَّا جَآءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِىٓءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا وَقَالَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَصِيبٌ

Macne

77. Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray [22] wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.

[22]. Wuxuu dareemay Nabi Luud welwel iyo walbahaar markay yimaadeen Rusushaa Alle (ee malaa’igta aheyd), waayo waxay ku yimadeen qaab iyo muuqaal niman dhallinyaro ahoo qurux badan, waxayna jeclaayeen qoonkii Luud dhallinyarada sidaa u qurxoon oo ku sameyn jireen falxumo. Markaasuu Luud ka welwelay taasi oo dareemay inuusan awoodin inuu difaaco hadday ku soo xadgudbaan qoomkiisa nimankaa dhallinyarada ah. Nabi Luud wuxuu u cabsaday bed qabidda iyo sharafta martidiisa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Hud

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net