U bood nuxurka
Suuradda 10 · Aayadda 24

Yunus 10:24

يونس

إِنَّمَا مَثَلُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَـٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ مِمَّا يَأْكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلْأَنْعَـٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلْأَرْضُ زُخْرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتْ وَظَنَّ أَهْلُهَآ أَنَّهُمْ قَـٰدِرُونَ عَلَيْهَآ أَتَىٰهَآ أَمْرُنَا لَيْلًا أَوْ نَهَارًا فَجَعَلْنَـٰهَا حَصِيدًا كَأَن لَّمْ تَغْنَ بِٱلْأَمْسِ ۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Macne

24. Mataalka noloshan adduunku [9] waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka [10] ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.

[9]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Adduunyadu waa macaan, doog ah, Alle baa idiin dhiibay inaad ka talisaan oo isaga dambeysaan si uu u eego waxa aad fashaan ee iska jira adduunyada iyo (fidmada) haweenka.”
[10]. Bilicda dhulka waxaa loola jeedaa badaha, buuraha, togagga, doogga, dhirta iyo geedaha.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Yunus

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net