Al-Faatiha 1:7
الفاتحةصِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ ٱلْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ
7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5].
[3]. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada.
[4]. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm.
[5]. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net