Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Maalin Qoraxi soo baxdo Maalinta Jimcuhu ugu khayr badan yahay. Sifooyinkiisa waxaa ka mida: inuu Ilaahay abuuray Nabi Aadam-nabadi korkiisa ha ahaatee-, isla jimcahana janada la galiyey, jimcena laga saaray oo dhulka loo soo dajiyey, qiyaamuhuna ma dhacayo maalin aan jimce ahayn.
- xadiiskaan waxaa ku cad fadliga maalinta jimcuhu dheer yahay maalmaha kale ee usbuuca.
- Xadiiskaan waxaa ku jira in la isku booriyo in la badsado camalka saalixa ah maalinta jimcaha, loona diyaar garoobo in la helo naxariista Ilaahay, la iskana fogeeyo ciqaabka Ilaahay.
- Sifooyinkaan maalinta jimcaha ay leedahay ee lagu suxay xadiiskaan waxaa la yiri: maaha fadli gaara ee jimcuhu leeyahay, waayo Adam oo Jano laga soo saaray iyo dhicida qiyaamuhu laguma tirin karo fadli, waxaa kaloo la yiri: dhamaantood waa fadaa'il, Adam bixida uu ka soo baxay janada waxay sabab u noqotay jiritaanka Aadanahan kownka buuxiyey, ee Rusul, Nabiyo iyo saalixiinba ku jiraan, dhicitaanka qiyaamuhuna waa sabab lagu dedejinaayo abaal marinta saalixiinta iyo inay helaan abaal marinta fiican ee Ilaahay u diyaariyey.
- Waxaa la sheegay maalinta jimcuhu inay leedahay sifooyin aan ahayn kuwa ruwaayadaan lagu sheegay, waxaa ka mida: in Nabi Aadan laga towbo aqbalay jimce, lana oofsaday jimce, waxaa ku jira jimcaha saacad hadii qof muumin ahi la kulmo isagoo tukanaya Ilaahay siinaayo wixii uu waydiisto.
- Sanadka maalmihiisa waxaa ugu fadli badan maalinta carafa, waxa kaloo la yiri: maalinta ciidul-adxa, maalmaha usbuuca waxaa ugu fali badan maalinta jimcaha, habeenadana waxaa ugu fadli badan habeenka Laylatul-qadriga.
صحيح مسلم (2/ 585) (854). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 313). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 824). مرعاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعبيد الله المباركفوري (4/ 422). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 164).