U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ambiyadii iyo Rusushii hore nabadgelyo Allaha siiyee.

3 xadiis

Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «خَيْرُ يَوْمٍ طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ يَوْمُ الْجُمُعَةِ، فِيهِ خُلِقَ آدَمُ، وَفِيهِ أُدْخِلَ الْجَنَّةَ، وَفِيهِ أُخْرِجَ مِنْهَا، وَلَا تَقُومُ السَّاعَةُ إِلَّا فِي يَوْمِ الْجُمُعَةِ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan Jimce ahayn".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Maalin Qoraxi soo baxdo Maalinta Jimcuhu ugu khayr badan yahay. Sifooyinkiisa waxaa ka mida: inuu Ilaahay abuuray Nabi Aadam-nabadi korkiisa ha ahaatee-, isla jimcahana janada la galiyey, jimcena laga saaray oo dhulka loo soo dajiyey, qiyaamuhuna ma dhacayo maalin aan jimce ahayn.

Faa’iidooyin
  1. xadiiskaan waxaa ku cad fadliga maalinta jimcuhu dheer yahay maalmaha kale ee usbuuca.
  2. Xadiiskaan waxaa ku jira in la isku booriyo in la badsado camalka saalixa ah maalinta jimcaha, loona diyaar garoobo in la helo naxariista Ilaahay, la iskana fogeeyo ciqaabka Ilaahay.
  3. Sifooyinkaan maalinta jimcaha ay leedahay ee lagu suxay xadiiskaan waxaa la yiri: maaha fadli gaara ee jimcuhu leeyahay, waayo Adam oo Jano laga soo saaray iyo dhicida qiyaamuhu laguma tirin karo fadli, waxaa kaloo la yiri: dhamaantood waa fadaa'il, Adam bixida uu ka soo baxay janada waxay sabab u noqotay jiritaanka Aadanahan kownka buuxiyey, ee Rusul, Nabiyo iyo saalixiinba ku jiraan, dhicitaanka qiyaamuhuna waa sabab lagu dedejinaayo abaal marinta saalixiinta iyo inay helaan abaal marinta fiican ee Ilaahay u diyaariyey.
  4. Waxaa la sheegay maalinta jimcuhu inay leedahay sifooyin aan ahayn kuwa ruwaayadaan lagu sheegay, waxaa ka mida: in Nabi Aadan laga towbo aqbalay jimce, lana oofsaday jimce, waxaa ku jira jimcaha saacad hadii qof muumin ahi la kulmo isagoo tukanaya Ilaahay siinaayo wixii uu waydiisto.
  5. Sanadka maalmihiisa waxaa ugu fadli badan maalinta carafa, waxa kaloo la yiri: maalinta ciidul-adxa, maalmaha usbuuca waxaa ugu fali badan maalinta jimcaha, habeenadana waxaa ugu fadli badan habeenka Laylatul-qadriga.
Tixraac

صحيح مسلم (2/ 585) (854). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 313). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 824). مرعاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعبيد الله المباركفوري (4/ 422). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 164).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey su'aalahoodii iyo ambiyadoodii oo ay khilaafayeene

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «دَعُونِي مَا تَرَكْتُكُمْ، إِنَّمَا هَلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ بِسُؤَالِهِمْ وَاخْتِلَافِهِمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ، فَإِذَا نَهَيْتُكُمْ عَنْ شَيْءٍ فَاجْتَنِبُوهُ، وَإِذَا أَمَرْتُكُمْ بِأَمْرٍ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey su'aalahoodii iyo ambiyadoodii oo ay khilaafayeene, hadaan wax idinka reebo ka fogaada, hadaan wax idin farana la imaada inta aad ka awoodaan.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay axkaamta shareecadu inay seddex tahay: qayb laga aamusay, qayb la iska reebay iyo qayb la is faray. Mida 1aad: waa qaybta sharcigu ka aamusay: wax xugun ah malaha, shay walbana asalkiisu waajib maaha. Waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa waajib ahayd in la iska daayo waydiinta waxaan dhicin iyadoo laga baqaayey inay soo dagto waajibinteedu ama xaaraanimadeedu, Ilaahay wuxuu uga tagay isago u naxariisanaya adoomada. Nabigu markuu dhintay ka dibse haday su'aashu tahay qaab fatwo ah ama barasho ku saabsan dadku waxay u baahan yihiin oo diinta ah way banaan tahay su'aashaasi, waliba waa la is faray, hadiise ay tahay qaab cinaad iyo iskalifid ah waa mida uu xadiisku reebey, waayo waxay keeni kartaa wixii ku dhacay reer benii Israa'iil (yuhuudda), markii la amray inay sac gawracaan, hadii ay sac uun gawracaan kuwo amarkii fuliyey ayey noqon lahaayeen, laakiin way isku adkeeyeen iyagana waa lagu adkeeyey. midka 2aad: waa nawaahida: waana camalka laga ajarsiiyo qofkii iska daaya, laguna ciqaabo qofkii sameeya camalkaas, waxaana waajib ah in laga fogaado dhamaantood. midka 3aad: waa awaamirta: waana camalka laga ajarsiinaayo qofkii sameeya, laguna ciqaabayo qofkii iska daaya, waxaana waajib ah in la sameeyo intii laga awoodo.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa haboon in lagu mashquulo waxa muhiim ah ee loo baahan yahay, oo laga tago waxa aan loo baahnayn markaa la joogo, iyo inaan laga shaqayn su`aalida shayga aan dhicin.
  2. Waa xaaraan su'aasha keeni karta inay masalada adkayso iyo furto albaabka shubuhaat keeni kara khilaaf badan.
  3. Waxaa la isfaray in la iska daayo wixii la iska reebay oo dhan, waayo wax dhib ah kuma jirto ka tagidiisa, sidaa darteed baa loo guud yeelay reebidiisa.
  4. Waxaa la is amray in shayga la is faray lagala yimaado kolba inta laga awoodo, waayo waxaa dhici kara in samayntiisa dhib noqoto ama la awoodi waayo, sidaa darteed amarku wuxuu noqonayaa in lagala yimaado inta laga awoodo.
  5. Waxaa la reebay su'aalaha badan-ee wax faa'iido ahi ka dhalaneyn, waxay culumadu u qeybiyeen su'aasha labo qeybood: midda 1aad: waa su'aasha cilmiga iyo aqoonta lagu koror sanayo ee xagga diinta, waana la rabaa taasoo kale, waana su'aalihii asaxaabtu Suubbanaha ay weydiin jireen-naxariis iyo nabadi korkiiye-, midda 2aad: waa su'aasha uu qofku uga jeedo madax adeyg iyo wax adkeyn ama xujeyn, waana midda la reebay.
  6. Ummaddaan waxaa looga digayaa inay khilaafto Nabigeeda, sidii ku dhacday ummaddihii ka horeeyey.
  7. Su'aalaha badan ee aan loo baahnayn iyo ambiyada oo la khilaafo waa asbaabta lagu halaagsamo, siiba umuuraha aan la gaari karin sida masalooyinka qaybka ee Ilaahay mooyee cid kale aysan aqoon iyo wixii ku saaban xaalka maalinta qiyaame.
  8. Waa la reebay in la su'aalo masalooyinka adag, imaam Alawsaaci wuxuu yiri: hadii ilaahay rabo inuu adoonka ka xarimo barakada cilmiga carabiisa waxaa lagu tuuraa masalooyinka ad-adag, waxaan arkay kuwaaso dadka ugu cilmi yar, Ibnu Wahab wuxuu yiri: waxaan maqlay Imaam Maalik oo dhahaya: cilmiga oo lagu murmo nuurka cilmiga ayuu ka tiraa ninka qalbigiisa.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 94) (7288). صحيح مسلم (2/ 975) (1337). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 236). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 181). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 268).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَيُوشِكَنَّ أَنْ يَنْزِلَ فِيكُمْ ابْنُ مَرْيَمَ حَكَمًا مُقْسِطًا، فَيَكْسِرَ الصَّلِيبَ، وَيَقْتُلَ الخِنْزِيرَ، وَيَضَعَ الجِزْيَةَ، وَيَفِيضَ المَالُ حَتَّى لاَ يَقْبَلَهُ أَحَدٌ».
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabi Ciise-Calayhi Salaam- uu Aakhiru Samaanka soo degidoono, taasina ay tahay mid ka mida calaamadaha saacada Qiyaamaha.
  2. Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Shareecadiisa wax nasakhaaya ma jiraan.
  3. Maalka ayaa barakoobaya Aakhiru Samaanka, dadkuna way nicidoonaan.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan bishaaro in Diinta Islaamku baaqi ahaanayso, iyadoo Nabi Ciise ku xukumi doonaa dhulka Aakhiru Samaanka.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 82) (2222)، صحيح مسلم (1/ 135) (155)، شرح النووي على مسلم (1/471)، التوضيح (14/555)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (12/ 35).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com