U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا تَصْحَبُ الْمَلَائِكَةُ رُفْقَةً فِيهَا كَلْبٌ وَلَا جَرَسٌ».
Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inayna malaa'igtu raacayn safar wata Ey iyo ganbaleelka xoolaha lagu xiro ee codeeya marka neefku dhaqaaqo.

Faa’iidooyin
  1. waxaa la reebay in Ey la haysto ama la kaxaysto, waxaase laga soo reebay reebidaas Eyga lagu ugaarsado ama kan ilaaliya.
  2. Malaa'igta diidaysa inay raacdo safarka waa Malaa'igta raxmada u qaybsan, laakiin Malaa'igta xafadada ah kama faaruqaan dadka haday joogaan iyo haday safar yihiinba.
  3. Gambaleelka la iska reebay; waa muusig ka mida muusiga shaydaanka, wuxuuna shabahaa naaquuska nasaaradu garaacdo.
  4. Muslimku waa inuu ku dadaalo inuu ka fogaado wax walba oo ka fogaynaaya Malaa'igta.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1672) (2113). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 1156). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (20/ 67). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (3/ 188). كشف المشكل من حديث الصحيحين، لابن عثيمين (3/ 564). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 431). شرح النووي على مسلم (14/ 95).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Malaa`igta

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com