عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا تَصْحَبُ الْمَلَائِكَةُ رُفْقَةً فِيهَا كَلْبٌ وَلَا جَرَسٌ».
Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inayna malaa'igtu raacayn safar wata Ey iyo ganbaleelka xoolaha lagu xiro ee codeeya marka neefku dhaqaaqo.
Faa’iidooyin
- waxaa la reebay in Ey la haysto ama la kaxaysto, waxaase laga soo reebay reebidaas Eyga lagu ugaarsado ama kan ilaaliya.
- Malaa'igta diidaysa inay raacdo safarka waa Malaa'igta raxmada u qaybsan, laakiin Malaa'igta xafadada ah kama faaruqaan dadka haday joogaan iyo haday safar yihiinba.
- Gambaleelka la iska reebay; waa muusig ka mida muusiga shaydaanka, wuxuuna shabahaa naaquuska nasaaradu garaacdo.
- Muslimku waa inuu ku dadaalo inuu ka fogaado wax walba oo ka fogaynaaya Malaa'igta.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1672) (2113).
نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 1156).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (20/ 67).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (3/ 188).
كشف المشكل من حديث الصحيحين، لابن عثيمين (3/ 564).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 431).
شرح النووي على مسلم (14/ 95).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ الصَّادِقُ المَصْدُوقُ: «أَنَّ خَلْقَ أَحَدِكُمْ يُجْمَعُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا وَأَرْبَعِينَ لَيْلَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يُبْعَثُ إِلَيْهِ المَلَكُ، فَيُؤْذَنُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ، فَيَكْتُبُ: رِزْقَهُ وَأَجَلَهُ وَعَمَلَهُ وَشَقِيٌّ أَمْ سَعِيدٌ، ثُمَّ يَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الجَنَّةِ حَتَّى لاَ يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُ النَّارَ، وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ عَمَلَ أَهْلِ الجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا».
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen, ka dib wuxuu noqon Xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa Malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: Risiqiisa, Cimrigiisa, Camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufaa, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu Janaha ilaa marka uu u jiro Janada dhudhun wax le'eg ayaa qadarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka markaasuu Naarta gelin, midkiin ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu u jirsado Naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha markaasuu Janada gelayaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumaystay. wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan tahay waxaa lagu aruurin uurka Gabadha mudo afartan beri ah isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon Xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka seddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa Malag, naftuuna ku afuufaa afartanka seddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa Malaga inuu qoro afar kalimadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu aduunka joogi doono, Iyo Camalkiiisa, muxuu noqon, ma mid hoogay baa mise mid liibaanay. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- qofku inuu camalka Ahlu Janaha camal falin, kaasoo ah camal saalixa, sida dadka u muuqata, sidaas ayuu ahaanayaa ilaa markay Janadu u jiro dhudhun, waxaa yacni markay Janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhudhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka oo loogu khatimin Naartuuna gelin, waayo Shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu Qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago Naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qadarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha wuuna gelin Janada.
Faa’iidooyin
- Meesha ay ku dambayn arintu waa ciribteeda waana sida kolba qadarka Ilaahay horay u qoray.
- Waa laga digay in lagu sirmo muuqaalka camalka, waayo camalka khaatumada uunbaa laga eegaa.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 135) (7454)، (4/ 111) (3208)، صحيح مسلم (4/ 2036) (2643)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (15/ 130)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 84).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com