عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا، فَإِذَا طَلَعَتْ فَرَآهَا النَّاسُ آمَنُوا أَجْمَعُونَ، فَذَلِكَ حِينَ: {لاَ يَنْفَعُ نَفْسًا إِيمَانُهَا لَمْ تَكُنْ آمَنَتْ مِنْ قَبْلُ، أَوْ كَسَبَتْ فِي إِيمَانِهَا خَيْرًا} [الأنعام: 158] وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ نَشَرَ الرَّجُلاَنِ ثَوْبَهُمَا بَيْنَهُمَا فَلاَ يَتَبَايَعَانِهِ، وَلاَ يَطْوِيَانِهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدِ انْصَرَفَ الرَّجُلُ بِلَبَنِ لِقْحَتِهِ فَلاَ يَطْعَمُهُ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَهُوَ يَلِيطُ حَوْضَهُ فَلاَ يَسْقِي فِيهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ رَفَعَ أَحَدُكُمْ أُكْلَتَهُ إِلَى فِيهِ فَلاَ يَطْعَمُهَا».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Alancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin dhexdooda ku kala bixiyeen maradooda mana kala gadan karana mana isku laabi karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajinayo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cunaayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inay calaamadaha waaweyn ee qiyaamaha ay ka mid tahay in qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo halkii ay bari ka soo bixilahayd, markay dadku arkaana Ilaahay wada rumaynayaan. Markaasna gaalka wax ku tarimaayo iimaankiisu, camalka suubana wax ku tarimaayo, towbaduna wax ku tarimayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qiyaamuhu inuu ku dhacaayo si kadis ah, iyadoo dadku noloshoodii iyo hawlohoodii caadiga ahaa ku jiraan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo kii gadaayey iyo kii iibsanaayey ay marada kala bixiyeen iibsanamaayaan iskuna laabimaayaan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyado ninku uu soo qaatay caanihii uu hashiisa ka lisay mana dhamaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku darka xoolihiisa u hagaajinaayo mana ka waraabinaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku luqmad cunto ah afkiisa u soo qaaday si uu u cuno, mana cunaayo.
Faa’iidooyin
- Islaamnimada iyo towbada waa la aqbalaa inta aanay qoraxdu ka soo bixin meeshay u dhacdo.
- waxaa la isku booriyey in Qiyaamaha loogu diyaar garoobayo iimaan iyo camal suuban, waayo Qiyaamuhu wuxuu ku imanayaa si kidis ah.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 106) (6506)، صحيح مسلم (1/ 137) (157)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (23/ 92).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يُؤْتَى بِالْمَوْتِ كَهَيْئَةِ كَبْشٍ أَمْلَحَ، فَيُنَادِي مُنَادٍ: يَا أَهْلَ الجَنَّةِ، فَيَشْرَئِبُّونَ وَيَنْظُرُونَ، فَيَقُولُ: هَلْ تَعْرِفُونَ هَذَا؟ فَيَقُولُونَ: نَعَمْ، هَذَا المَوْتُ، وَكُلُّهُمْ قَدْ رَآهُ، ثُمَّ يُنَادِي: يَا أَهْلَ النَّارِ، فَيَشْرَئِبُّونَ وَيَنْظُرُونَ، فَيَقُولُ: وهَلْ تَعْرِفُونَ هَذَا؟ فَيَقُولُونَ: نَعَمْ، هَذَا المَوْتُ، وَكُلُّهُمْ قَدْ رَآهُ، فَيُذْبَحُ ثُمَّ يَقُولُ: يَا أَهْلَ الجَنَّةِ خُلُودٌ فَلاَ مَوْتَ، وَيَا أَهْلَ النَّارِ خُلُودٌ فَلاَ مَوْتَ، ثُمَّ قَرَأَ: {وَأَنْذِرْهُمْ يَوْمَ الحَسْرَةِ إِذْ قُضِيَ الأَمْرُ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ} [مريم: 39]، وَهَؤُلاَءِ فِي غَفْلَةٍ أَهْلُ الدُّنْيَا {وَهُمْ لاَ يُؤْمِنُونَ} [مريم: 39]».
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan, mid dhawaaqa ayaa ku dhawaaqin: dadka Janadow, kor ayey u soo istaagin oo soo fiirin wuxuu oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, hadana wuu dhawaaqin, kuwa Naarta ku suganow, kor ayey u soo istaagin waana soo eegayaan, wuxuu ku oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, markaasaa la gawricin, ka dib wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, mar kaasuu akhriyin Ayada: {Nabiyow uga dig Maalinta shalaytada iyadoo la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku sugan} [surada maryam:39], kuwaas qaflada ku sugani waa kuwa Aduunka jooga { iyagu Ilaahay ma ay rumayn} [maryam:39].
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dhimashada la keenidoono Maalinta Qiyaamaha isagoo u eg Idaha labkooda oo leh Midab Cadaan iyo Mdaw ah . Waa loo dhawaaqin: kuwiina Janada ku suganow! waxay soo taagayaan luqunta iyo madaxa waana soo fiirinayaan. wuxuu iyaga ku oran: ma garanaysaan kan? Waxay oran: haa, kani waa dhimashadii, waana soo wada arkeen oo garteen. Ka dib waxaa dhawaaqin kii dhawaaqayey: kuwiina Naarta ku suganow, xagiisa ayey luquntooda u soo taagin iyagoo madaxyadooda kor u qaadaya soona fiirinaya, Wuxuu ku oran: ma taqaanaan kan? Waxay oran: haa, kani dhimashadii wayna wada arkeen. Waa la gowracin, ka dib kii dhawaqaayey wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto. Taasina waa nicmo u siyaaday Muuminiinta, iyo Ciqaab u siyaaday Gaalada. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu akhriyey: {Nabiga Ilaahayow uga dig aaMlinta shalaytada, xili la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku jira oo aan rumasnayn}. Maalinta Qiyaamaha waa la kala saarin dadka Janada gelaya iyo kuwa Naarta gelaya, mid kastana wuxuu gelayaa mida uu helay isagoo ku waaraayo. Wuxuu ka shalaynayaa oo ka qoomamaynayaa kii xumaanta falay inuusan wanaag samayn, kii ka gaabiyey khayrkana wuxuu ka shalaayin inuusan khayrka badsan.
Faa’iidooyin
- Aakhiro dadku waxay ku danbaynayaan waa inay ku waaraan Janada ama Naarta.
- Xadiiska waxaa ku sugan in si daran la isaga digay dhibaatada Maalinka Qiyaamaha, iyo inuu yahay Maalin qoomamo iyo shalayto.
- Waa la cadeeyey farxada joogtada ah ee Ahlu Janaha iyo murugada joogtada ah ee Ahlu Naarka.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 93) (4730)، صحيح مسلم (4/ 2188) (2849)، التوضيح شرح الجامع الصحيح (22/595)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (19/ 52)، البحر المحيط الثجاج (43/686).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَدِيِّ بْنِ حَاتِمٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «الْيَهُودُ مَغْضُوبٌ عَلَيْهِمْ، وَالنَّصَارَى ضُلَّالٌ».
Cadiyi Binu Xaatim -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen ."
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Yuhuudu yihiin duul Ilaahay u carooday, waayo intay xaqa garteen ayey ku camal fali waayeen. Kiristaankuna waa duul baadiyoobay, waayo waxay ku camal faleen aqoon la`aan.
Faa’iidooyin
- Cilmiga iyo camalka oo la isku geeyo ayaa lagaga bad-baadayaa wadada ay mareen kuwa loo carooday iyo kuwa baadiyoobay.
- Waxaa laga digayaa wadada Yuhuuda iyo Kirishtaanku mareen, waxaana la ina farayaa inaan ku ekaano jidka toosan ee Islaamka.
Tixraac
سنن الترمذي (5/ 71) (2954)، النهاية في غريب الحديث و الأثر ( ص 548)، المنهل العذب المورود (5/250)، البحر المحيط الثجاج (9/248).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا: أَنَّ نَاسًا مِنْ أَهْلِ الشِّرْكِ، كَانُوا قَدْ قَتَلُوا وَأَكْثَرُوا، وَزَنَوْا وَأَكْثَرُوا، فَأَتَوْا مُحَمَّدًا صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالُوا: إِنَّ الَّذِي تَقُولُ وَتَدْعُو إِلَيْهِ لَحَسَنٌ، لَوْ تُخْبِرُنَا أَنَّ لِمَا عَمِلْنَا كَفَّارَةً، فَنَزَلَ {وَالَّذِينَ لا يَدْعُونَ مَعَ اللهِ إِلَهًا آخَرَ وَلا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلا بِالْحَقِّ وَلا يَزْنُونَ}[الفرقان: 68]، وَنَزَلَت: {قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ} [الزمر: 53].
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad ka mida Mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo degay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin Naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee, ee aan Sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay: "ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay" [suuratu sumar:53].
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rag Mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna gaysteen dilal badan iyo Sino, waxay ku dheheen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Diinta aad dadka ugu yeeraysaa iyo waxa laga baranaayo waa wax fiican, laakiin ka waran muxuu yahay xaalkayagu iyo wixii aanu soo falnay ee ah, Shirki iyo Dambiyo waawayn, ma leeyihiin wax kafaaro gud ah?.
Waxaa soo degay labada Aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey Dambiyo badan oo waaweyn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen Gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen Diintaan.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxa ku sugan fadliga Islaamku leeyahay iyo waynidiisa iyo inuu tirtiraayo Danbiyadii ka horeeyey.
- Xadiiska waxaa ku sugan waasicnimada Raxmada Ilaahay siiyey Adoomadiisa iyo u dambi dhaafka iyo cafinta uu siiyey Adoomadiisa.
- Ilaahay wuxuu xarimay Shirkiga, wuxuu kaloo xarimay in naf xaqdaro lagu dilo, wuxuu kaloo xarimay Sinada, iyo goodi adag oo ku soo arooray qofkii danbiyaas gala.
- Towbada runta ah oo ay la jirto Ilaahay oo loo khaalis yeelo, iyo camalka saalixa ah waxaa lagu dhaafaa dhamaan dambiyada waaweyn ee Gaalnimadu ku jirto.
- Waa la xarimay quusashada iyo in laga rajo beelo naxariista Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufane.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 125) (4810)، صحيح مسلم (1/ 113) (122)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (7/ 319)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 808).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنِ ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَ النَّاسَ يَوْمَ فَتْحِ مَكَّةَ، فَقَالَ: «يَا أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّ اللهَ قَدْ أَذْهَبَ عَنْكُمْ عُبِّيَّةَ الْجَاهِلِيَّةِ وَتَعَاظُمَهَا بِآبَائِهَا، فَالنَّاسُ رَجُلَانِ: بَرٌّ تَقِيٌّ كَرِيمٌ عَلَى اللهِ، وَفَاجِرٌ شَقِيٌّ هَيِّنٌ عَلَى اللهِ، وَالنَّاسُ بَنُو آدَمَ، وَخَلَقَ اللهُ آدَمَ مِنْ تُرَابٍ، قَالَ اللهُ: {يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} [الحجرات: 13]».
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka ayuu u khudbeeyey Maalintii Makah la furay, wuxuuna yiri: "dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood, dadku waa laba qof uun: mid baari ah oo taqi ah, Ilaahayna kariim ku ah, iyo mid faajir ah oo hooge ah, oo aan Ilaahay qiimo la lahayn, dadku waa ilma Nabi Aadam, Aadamna ciidaa Ilaahay ka abuuray, Ilaahay wuxuu yiri:{ dadoow, waxaan idinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idinka yeelay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku aqoonsataan, Ilaahay xagiisana waxaa ugu qiimo badan kan idiinku taqwada badan, Ilaahay waa kii cilmi badan oo khibrad badan} [Al xujuraat:13]).
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn xibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u khudbeeyey dadka Maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii Aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun:
Waa mid Muumin Baari ah Taqina ah oo Ilaahay casa wajala adeecay caabudayna, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe.
iyo mid Gaal Faajir ah oo Hooge ah, kaasina Ilaahay xagiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haado mid nasab ama waji iyo Saldano lehe.
Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid yahay inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].
Faa’iidooyin
- Waa la reebay in la isugu faano Nasabka iyo Qabiilka.
Tixraac
سنن الترمذي (5/ 309) (3270)، صحيح ابن حبان (9/ 137) (3828)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (14/ 16)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص587).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ الزُّبَيْرِ بْنِ الْعَوَّامِ قَالَ: لَمَّا نَزَلَتْ: {ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ} [التكاثر: 8]، قَالَ الزُّبَيْرُ: يَا رَسُولَ اللهِ، وَأَيُّ النَّعِيمِ نُسْأَلُ عَنْهُ، وَإِنَّمَا هُمَا الْأَسْوَدَانِ التَّمْرُ وَالْمَاءُ؟ قَالَ: «أَمَا إِنَّهُ سَيَكُونُ».
Subeyr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suurada takaasur:8], wuxuu yiri Subeyr: Rasuulka Ilaahayow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyaha? wuxuu yiri: "sidaas ayey noqon".
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
markay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha!
Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.
Faa’iidooyin
- Waxaa la adkeeyey in Ilaahay sareeye looga mahadnaqo nicmooyinka badan.
- Nicmooyinka waa la waydiin adoonka maalinta qiyaamaha ha yaraato ama ha badnaatee.
Tixraac
سنن الترمذي (5/ 375) (3356)، سنن ابن ماجه (5/ 262) (4158)، شرح سنن ابن ماجه للسيوطي (ص: 307)، تحفة الأحوذي (9/203)، مرشد ذوي الحجا والحاجة إلى سنن ابن ماجه والقول المكتفى على سنن المصطفى (25/ 251).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com