adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay adeerkii Abii Daalib isagoo sakaraadkii ku jira, wuxuuna ku yiri: adeerow, dheh: ..laa Ilaaha Ilaa Allaah.., kalimadaas aan Ilaahay agtiisa kaaga markhaati furee, Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya oo la joogay baa yiri: Abuu Daalibow ma diintii Aabahaa Cabdul-mudalib baad ka bixi?! taasoo ahayd sanam la caabudo, kama ay dultagin siday ugu cel-celineyeen ilaa uu yiri hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo iyaga, isagoo yiri: diintii Cabdul-mudalib ayaan haystaa, waa diintii shirkiga iyo sanam caabudka ahayd. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaan kuugu ducayn dambi dhaaf hadaanu Rabigay iga diidin arinkaa, waxaa soo dagay hadalkii Ilaahay yiri: "Maaha Nabiga iyo muminiintu inay u dambi dhaaf waydiiyaan mushrikiinta, haba ahaadaan kuwo qaraabo ahee, ka dib markay u cadaatay inay yihiin dad ahlu naar ah} [tawbah:113], Waxaan ku soo dagay Abii Daalib xaalkiisa hadalka Ilaahay yiri: "Nabiyow- adigu xaqa kuma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuunka haya oo hanuunka siiya mid kuu doono, Isagaana og kuwa hanuunsan} [Alqasas: 56], Adigu ma hanuunin kartid qofkaad hanuunka la doonto, waxaase ku saaran gaarsiin, Ilaahay ayaana hanuuniya ciduu doono.
- Waxaa xaaraan ah in loo dambi dhaaf dalbo gaalada aan tawxiidka ku dhiman, sikasta oo ay u ahaayeen qaraabo ama dad camal fiican qabtay ama kuwo ixsaan badan.
- Aabayawga iyo kuwa magaca leh oo looga daydo baadilka waa ficilka dadka jaahiliga ah.
- Naxariis badnaanta Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo dadaalka uu u galay dadka hanuunintooda.
- Tani waxay radin ku tahay cidii sheegta in Abii Daalib Islaamay.
- Camalka waxaa laga qiimeeyaa khaatumadiisa.
- waa baadil in Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo qayrkiba in laga rajeeyo inay nafac keenaan ama dhib celiyaan.
- qofka dhaha "laa Ilaaha Ilaa Allaah" isagoo yaqaan oo yaqiinsan oo ictiqaadsan Islaamka ayuu soo galay.
- dhibaatada ay shar wadayaasha iyo saaxiibada xuni ay dadka u leeyihiin waa mid wayn.
- macnaha .. laa ilaaha ilaa Allaah..: waa ka tagida cibaadada Asnaamta, Awliyada, Saalixiinta, iyo in Ilaahay kaligii loo gaar yeelo cibaadada, gaaladuna wayba garanayaan macnaheeda.
- Waa la booqan karaa Gaalka jiran hadii rajo laga qabo inuu soo Islaamo.
- Hidaayada waafajinta gacanta Ilaahay oo kaliya oo aan lala wadaagin ayey ku jirtaa, Rasuulkana waxaa saaran Hidaayada tusinta, waanada iyo gaarsiinta.
صحيح البخاري (6/ 112) (4772). صحيح مسلم (1/ 54) (24). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص155). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص169).