U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay,

عَنْ حُذَيْفَةَ رضي الله عنه قَالَ: كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَانْتَهَى إِلَى سُبَاطَةِ قَوْمٍ، فَبَالَ قَائِمًا، فَتَنَحَّيْتُ فَقَالَ: «ادْنُهْ» فَدَنَوْتُ حَتَّى قُمْتُ عِنْدَ عَقِبَيْهِ فَتَوَضَّأَ فَمَسَحَ عَلَى خُفَّيْهِ.
Xudeyfa Binu Yamaani -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho. Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale. Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.

Faa’iidooyin
  1. Waa sharci masixitaanka labada khuf.
  2. Way banaan tahay in taagnida lagu kaadsho hadaanay qofka kaadidu soo gaarayn.
  3. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu doortay meel qashin qub ah waana meesha qashinka lagu daadsho waayo sida badan waa meel sahlan oo kaadidu aysan ku soo laaban qofka kaadinaaya.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 54) (224). صحيح مسلم (1/ 228) (273). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص51). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 61).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Masaxida laba Khuf iyo wixii la mida

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com