U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Masaxida laba Khuf iyo wixii la mida

2 xadiis

iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye

عَنْ المُغِيرَةِ رضي الله عنه قَالَ: كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي سَفَرٍ، فَأَهْوَيْتُ لِأَنْزِعَ خُفَّيْهِ، فَقَالَ: «دَعْهُمَا، فَإِنِّي أَدْخَلْتُهُمَا طَاهِرَتَيْنِ» فَمَسَحَ عَلَيْهِمَا.
Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye", uuna masaxay.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu weyso qaatay. markuu soo gaaray labada Lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo Lugaha! wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada Khuf anoo dahaara qabee, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu masaxay labadii Khuf mana dhaqin Lugihiisa.

Faa’iidooyin
  1. Marka laga weyso qaadanayo xadaska yar waa sharci in la masaxo khufaynka, laakiin marka laga qubaysanayo xadaska weyn waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqo Cagaha.
  2. Masaxidu waa hal mar oo Gacanta oo qoyan la mariyo khufka korkiisa oo aan xaga hoose laga masaxin.
  3. Waxaa loo shardiyaa masixitaanka labada khuf in marka hore la weyso qabo oo Cagaha Biyo lagu dhaqay ka dibna la gashaday, khufkuna waa inuu yahay daahir, asturaayana Lugta inta ay waajibka tahay in la dhaqo, masixitaankuna wuxuu ahaanayaa xadaska yar ka dib, Qofkii janaaba qaba ama qubays ku waajibay ma masaxayo khufka, masixitaankuna waqti go'an buu leeyahay xaga shareecada, waana habeen iyo maalin qofka aan safarka ahayn, iyo seddex maaal mood iyo habeenadooda oo qofka musaafirka ah.
  4. Waxaa looga qiyaas qaadanayaa labada khuf wax kastoo astura Lugaha sida Sharabaadada iyo qayrkood, weyna banaan tahay in la masaxo.
  5. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lahaa akhlaaq wanaagsan iyo wax baritaan wanaagsan, isagoo u diiday Muqiira inuu ka baxsho labada khuf, sababtana u cadeeyey, taasoo ah inuu gashaday khufka isagoo weyso qaba, si uu Muqiira u fahmo, xukunkana u ogaado.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 52) (206). صحيح مسلم (1/ 230) (274). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص50). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 36). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص27).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay,

عَنْ حُذَيْفَةَ رضي الله عنه قَالَ: كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَانْتَهَى إِلَى سُبَاطَةِ قَوْمٍ، فَبَالَ قَائِمًا، فَتَنَحَّيْتُ فَقَالَ: «ادْنُهْ» فَدَنَوْتُ حَتَّى قُمْتُ عِنْدَ عَقِبَيْهِ فَتَوَضَّأَ فَمَسَحَ عَلَى خُفَّيْهِ.
Xudeyfa Binu Yamaani -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho. Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale. Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.

Faa’iidooyin
  1. Waa sharci masixitaanka labada khuf.
  2. Way banaan tahay in taagnida lagu kaadsho hadaanay qofka kaadidu soo gaarayn.
  3. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu doortay meel qashin qub ah waana meesha qashinka lagu daadsho waayo sida badan waa meel sahlan oo kaadidu aysan ku soo laaban qofka kaadinaaya.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 54) (224). صحيح مسلم (1/ 228) (273). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص51). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 61).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com