U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤمنينَ رضي الله عنها قَالَتْ: كُنْتُ أَغْتَسِلُ أَنَا وَالنَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ إِنَاءٍ وَاحِدٍ كِلاَنَا جُنُبٌ، وَكَانَ يَأْمُرُنِي، فَأَتَّزِرُ، فَيُبَاشِرُنِي وَأَنَا حَائِضٌ، وَكَانَ يُخْرِجُ رَأْسَهُ إِلَيَّ وَهُوَ مُعْتَكِفٌ فَأَغْسِلُهُ وَأَنَا حَائِضٌ.
Caa.isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba, wuxuuna soo saari jiray madaxiisa isagoo masaajidka ku ictikaafaya, oo madaxa ayaan u dhaqi jiray anigo caado qaba.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Caa.isha, Muminiinta Hooyadood-Allaha karaali ahaadee- waxay sheegtay arimo u qaara iyada markay Suubanaha la joogto-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaana ka mida: inay hal weel Nabiga scw kula qubaysan jirtay, oo biyaha hal weel ka wada darsanayeen. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- marka uu damco inuu u tago iyada oo caado qabta wuxuu fari jiray inay guntato maro daboosha xudunteeda ilaa lawyaheeda, wuuna la baashaali jiray iyadoon galmo jirin. Nabigu scw isagoo masaajidku ictikaafaya ayuu madaxiisa caa`iasha u soo bixin jiray markaasay u dhaqai jirtay iyadoo caado qabta oo gurigeeda joogta.

Faa’iidooyin
  1. Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu weel kaliya ku wada qubaystaan.
  2. Waxaa banaan in tan caadada qabta lala baashaalo wixii aan farjiga ahayn oo jirkeedu daahir yahay.
  3. waxaa suno ah inay gabadhu soo xirato googarad hadii ay caado qabto oo ay ninkeeda la baashaalayso.
  4. waa in la raaco asbaabta diidaysa in xaaraan lagu dhico.
  5. Gabadha dhiiga qabta looma ogola inay masjidka ku raagto.
  6. Waxaa u banaan gabadha dhiiga qabta inay qaban karto waxkasta oo qoyan ama qallayl ah, waxaana ka mida dhaqitaanka timaha iyo shanlayntooda.
  7. xadiiska waxaa ku xugan dhaqankii fiicnaa ee Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ahaa ahaatee- uu kula dhaqmayey reerkiisa.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 67) (299 - 301). صحيح مسلم (1/ 244) (297)، (1/ 255) (319). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 66). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص79). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 76).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Nabigu scw siduu u Guursan jiray oo ula dhaqmi jiray xaaskiisa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com