عَنِ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: حَفِظْتُ مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَشْرَ رَكَعَاتٍ: رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ الظُّهْرِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَهَا، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ المَغْرِبِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ العِشَاءِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ قَبْلَ صَلاَةِ الصُّبْحِ، وَكَانَتْ سَاعَةً لاَ يُدْخَلُ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيهَا، حَدَّثَتْنِي حَفْصَةُ أَنَّهُ كَانَ إِذَا أَذَّنَ المُؤَذِّنُ وَطَلَعَ الفَجْرُ صَلَّى رَكْعَتَيْنِ، وَفِي لَفْظٍ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُصَلِّي بَعْدَ الْجُمُعَةِ رَكْعَتَيْنِ.
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood: labo Duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo Maqribka ka dambaysa oo Gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya Cishaha oo Gurigiisa ku tukan jiray, labo Subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu Mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo Rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray Jumcada ka dib labo Rakcadood.
Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka xafiday ay yihiin toban Rakcadood oo la dhoho Sunooyinka Rawaatibta ah, laboRrakcadood oo Duhurka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo ka dambeeya, labo Rakcadood oo Maqribka ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Cishaha ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Fajarka ka horeeya. Sidaasay ku dhan yihiin tobankii Rakcadood. Salaada Jumcadana labo Rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.
Faa’iidooyin
- Rawaatibtaasi waa Suno, waana in la joogteeyo.
- Sunaha in Guriga lagu tukado waa Sharci.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 58-59) (1180، 1181).
صحيح مسلم (2/ 601) (882).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص112).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤمنينَ رضي الله عنها قَالَتْ: كُنْتُ أَغْتَسِلُ أَنَا وَالنَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ إِنَاءٍ وَاحِدٍ كِلاَنَا جُنُبٌ، وَكَانَ يَأْمُرُنِي، فَأَتَّزِرُ، فَيُبَاشِرُنِي وَأَنَا حَائِضٌ، وَكَانَ يُخْرِجُ رَأْسَهُ إِلَيَّ وَهُوَ مُعْتَكِفٌ فَأَغْسِلُهُ وَأَنَا حَائِضٌ.
Caa.isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba, wuxuuna soo saari jiray madaxiisa isagoo masaajidka ku ictikaafaya, oo madaxa ayaan u dhaqi jiray anigo caado qaba.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Caa.isha, Muminiinta Hooyadood-Allaha karaali ahaadee- waxay sheegtay arimo u qaara iyada markay Suubanaha la joogto-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaana ka mida: inay hal weel Nabiga scw kula qubaysan jirtay, oo biyaha hal weel ka wada darsanayeen. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- marka uu damco inuu u tago iyada oo caado qabta wuxuu fari jiray inay guntato maro daboosha xudunteeda ilaa lawyaheeda, wuuna la baashaali jiray iyadoon galmo jirin. Nabigu scw isagoo masaajidku ictikaafaya ayuu madaxiisa caa`iasha u soo bixin jiray markaasay u dhaqai jirtay iyadoo caado qabta oo gurigeeda joogta.
Faa’iidooyin
- Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu weel kaliya ku wada qubaystaan.
- Waxaa banaan in tan caadada qabta lala baashaalo wixii aan farjiga ahayn oo jirkeedu daahir yahay.
- waxaa suno ah inay gabadhu soo xirato googarad hadii ay caado qabto oo ay ninkeeda la baashaalayso.
- waa in la raaco asbaabta diidaysa in xaaraan lagu dhico.
- Gabadha dhiiga qabta looma ogola inay masjidka ku raagto.
- Waxaa u banaan gabadha dhiiga qabta inay qaban karto waxkasta oo qoyan ama qallayl ah, waxaana ka mida dhaqitaanka timaha iyo shanlayntooda.
- xadiiska waxaa ku xugan dhaqankii fiicnaa ee Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ahaa ahaatee- uu kula dhaqmayey reerkiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 67) (299 - 301).
صحيح مسلم (1/ 244) (297)، (1/ 255) (319).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 66).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص79).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 76).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com