U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Naxariistii Nabiga scw.

2 xadiis

Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar,

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَلاَ أُحَدِّثُكُمْ حَدِيثًا عَنِ الدَّجَّالِ، مَا حَدَّثَ بِهِ نَبِيٌّ قَوْمَهُ؟ إِنَّهُ أَعْوَرُ، وَإِنَّهُ يَجِيءُ مَعَهُ بِمِثَالِ الجَنَّةِ وَالنَّارِ، فَالَّتِي يَقُولُ إِنَّهَا الجَنَّةُ هِيَ النَّارُ، وَإِنِّي أُنْذِرُكُمْ كَمَا أَنْذَرَ بِهِ نُوحٌ قَوْمَهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu saxaabadiisa uga waramay dajaal, tilmaamihiisa iyo calaamadihiisa iyadoo uusan jirin Nabi hore uga waramay, waxaana ka mid ah calaamadahaa: Inuu weershe yahay. Ilaahay wuxuu u sahlay oo la socda wax la moodo Jano iyo naar, waa sida dadku u arkaan. laakiin Janadiisu waa Naar Naartiisuna waa Jano, qofkii raaca wuxuu galinayaa Janadaas sida dadk u muuqata, laakiin waa Naar wax gubaysa, qofkii ku caasiyana wuxuu galinayaa Naarta sida dadka u muuqata, laakiin waa Jano fiican. Ka dib Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu inooga digay fitnada dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii.

Faa’iidooyin
  1. Xaddiiska waxaa ku jira in fitnada dajaal wayn tahay.
  2. Waxa lagaga bad-baadi karo fitnada dajaal waa iimaan run ah iyo in Ilaahay laga hoos galo oo Ilaahay laga magan galo marka Ataxiyaadka dambe la akhriyaayo, iyo in la xifdiyo tobanka aayadood ee u horeeya suuratul kahfi.
  3. Nabigu scw aad ayuu ugu dadaalay ummaddiisa, waayo wuxuu u cadeeyey muslimiinta sifaadka uu leeyahay dajaal, kuwaasoo aanu jirin Nabi u cadeeyey qoomkiisa oo nabigeena scw ka horeeyey.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 134) (3338). صحيح مسلم (4/ 2250) (2936).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska

عَنْ مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ أَخْوَفَ مَا أَخَافُ عَلَيْكُمُ الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ» قَالُوا: وَمَا الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الرِّيَاءُ، يَقُولُ اللهُ عز وجل لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِذَا جُزِيَ النَّاسُ بِأَعْمَالِهِمْ: اذْهَبُوا إِلَى الَّذِينَ كُنْتُمْ تُرَاؤُونَ فِي الدُّنْيَا، فَانْظُرُوا هَلْ تَجِدُونَ عِنْدَهُمْ جَزَاءً؟».
Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan inay waajib tahay in camalka Ilaahay khaalis looga dhigo, lagana digtoonaado is tustuska.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-uu si aad ah ugu dhimriyey ummaddiisa, wuuna ku dadaalay inay soo hanuunaan uuna u naseexeeyey.
  3. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sidaa ugu cabsan jiray Asaxaabta isagoo la hadlaya, iyagoo ahaa Madaxdii Saalixiinta, dadka ka dambeeya in loo cabsado ayaa ka mudan.
Tixraac

مسند أحمد (39/ 39) (23630). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص57). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص45).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com