U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka

قال سعد بن هشام بن عامر -عندما دخل على عائشة رضي الله عنها-: يَا أُمَّ الْمُؤْمِنِينَ، أَنْبِئِينِي عَنْ خُلُقِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، قَالَتْ: أَلَسْتَ تَقْرَأُ الْقُرْآنَ؟ قُلْتُ: بَلَى، قَالَتْ: فَإِنَّ خُلُقَ نَبِيِّ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ الْقُرْآنَ.
Sacad Binu Hishaam Binu Caamir-markuu u galay Caa'isha-Allaha ka raali ahaaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Hooyadii Mu'uminiintaay, ii sheeg akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , waxay tiri: Qur'aanka miyaadan akhrin? waxaan iri: haa, waxay tiri: akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka.
muslim baa wariyey isagoo xadiis aad udheer ahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Waxaa la waydiiyey Caa'isha-Allaha ka raali ahaade akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku jawaabtay hadal aad u guda wayn, waxayna u jeedisay Qofkii su'aasha waydiiyey Qur'aanka oo ah Kitaabka Sifooyinkiisa oo dhan kaamil yihiin, waxayna dhahday: wuxuu ahaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ka akhlaaq dhigta Qur'aanka, oo ku dhaqma isaga, Qur'aanku wuxuu faro wuu fulin jirey, wuxuu ka reebana wuu ka fogaanayey, khuluqiisu wuxuu ahaa mid Qur'aanka ku camal fala, kuna ekaada xuduuddiisa, ka edeb qaata Quraanka, oo ku cibro qaata maahmaahyihiisa iyo qisooyinkiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa lagu boorinayaa dadku inay kaga daydaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisii uu ka dhigtay akhlaaqda Qur'aanka.
  2. Waa la amaanay akhlaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ka mid ahayd ilayskii Waxyiga.
  3. Qur'aanku waa salka u noqoshada dhamaan akhlaaqda wanaagsan.
  4. Akhlaaqdu Islaamka waxay koobaysaa Diinta oo dhan hadii ay tahay amarka oo la fuiyo iyo hadii ay tahay wixii la iska reebay oo laga fogaado.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 512) (746). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (3/ 308). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 660). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (2/ 1253). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (21/ 556).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Sifooyinka Akhlaaqda ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com