U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican

عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَحْسَنَ النَّاسِ خُلُقًا.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqdee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa dadka ugu akhlaaq badnaa, isagaana ugu horeeyey dadka dhamaan xaga Akhlaaqda wanaagsan oo dhan, sida hadal wanaaga, Gacan furnaanta, bashaash nimada, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka dhibkooda.

Faa’iidooyin
  1. Kaamilnimada akhlaaqda Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa ku cad xadiiskaan.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa tusaale dhamaystiran xaga dhaqan iyo akhlaaq wanaaga.
  3. Waxaa lagu boorinayaa dadka inay kaga daydaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaq wanaaga.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 45) (6203). صحيح مسلم (4/ 1805) (2310). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 670). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 524). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (9/ 57). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 556).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Sifooyinka Akhlaaqda ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com