U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما: أَنَّ امْرَأَةً وُجِدَتْ فِي بَعْضِ مَغَازِي النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَقْتُولَةً، فَأَنْكَرَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَتْلَ النِّسَاءِ وَالصِّبْيَانِ.
Cabdullaahi bn cumar-Allaha karraalli ahaadee-waxuu dhahay: Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiiye-ayaa arkay haweenay lagu dilay jihaadkii nabiga mid kamid ah, wuuna diiday rasuulku dilka dumarka iyo caruurta aan qaan gaadhin.

Faa’iidooyin
  1. Dadka aan dagaalamayn ee haweenka iyo caruurta iyo kuwa la xukunka ah sida odayada gaboobay,dadka cibaadada u.go,ay iyaga lama dilikaro, haddayna ahayn kuwo talo usaaxiib ah,oo taladooda kaga qayb qaadanaya dagaalka muslimiinta lagu hayo, hadday sidaa yihiin waa lalayn.
  2. Waxaa lanahiyey dilka haweenka iyo carruurta, waayo waakuwo aan muslimiinta ladagaallamin, ujeeddada loo jideeyay jihaadkuna waa daciifinta xoogga kuwa diintu inay fiddo diiddan, ilaa ay diintu wada gaadho dadka.
  3. Xaddiiska waxaa ku cad naxariista nabiga -naxariis iyo nabadi korkiiye- xataa marka lagu jiro jihaadka iyo dagaalada.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 61) (3014). صحيح مسلم (3/ 1364) (1744). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 189). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص746).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Aadaabta Jihaadka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com

Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta · Xadiisyo la sharraxay · Sabīl