U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta Jihaadka

2 xadiis

Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما: أَنَّ امْرَأَةً وُجِدَتْ فِي بَعْضِ مَغَازِي النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَقْتُولَةً، فَأَنْكَرَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَتْلَ النِّسَاءِ وَالصِّبْيَانِ.
Cabdullaahi bn cumar-Allaha karraalli ahaadee-waxuu dhahay: Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiiye-ayaa arkay haweenay lagu dilay jihaadkii nabiga mid kamid ah, wuuna diiday rasuulku dilka dumarka iyo caruurta aan qaan gaadhin.

Faa’iidooyin
  1. Dadka aan dagaalamayn ee haweenka iyo caruurta iyo kuwa la xukunka ah sida odayada gaboobay,dadka cibaadada u.go,ay iyaga lama dilikaro, haddayna ahayn kuwo talo usaaxiib ah,oo taladooda kaga qayb qaadanaya dagaalka muslimiinta lagu hayo, hadday sidaa yihiin waa lalayn.
  2. Waxaa lanahiyey dilka haweenka iyo carruurta, waayo waakuwo aan muslimiinta ladagaallamin, ujeeddada loo jideeyay jihaadkuna waa daciifinta xoogga kuwa diintu inay fiddo diiddan, ilaa ay diintu wada gaadho dadka.
  3. Xaddiiska waxaa ku cad naxariista nabiga -naxariis iyo nabadi korkiiye- xataa marka lagu jiro jihaadka iyo dagaalada.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 61) (3014). صحيح مسلم (3/ 1364) (1744). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 189). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص746).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay

عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه قَالَ: سُئِلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنِ الرَّجُلِ يُقَاتِلُ شَجَاعَةً، وَيُقَاتِلُ حَمِيَّةً، وَيُقَاتِلُ رِيَاءً، أَيُّ ذَلِكَ فِي سَبِيلِ اللهِ؟ فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا، فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ».
Abii Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxaa la weydiiyey sida ay isu khilaafsan yihiin ujeedooyinka dadka dagaalamaya, ninka u dagaalamaya geesinino ama qabyaalad, iyo kan uu ka yahay dagaalku si loo arko meesha uu bulshada ka joogo iyo wixii la mida, keebaa jidka Ilaahay ku dagaalamay? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu u sheegay midka dar Ilaahay u dagaalamay waa kan ku dagaalamay si kalimada Ilaahay kor u ahaato.

Faa’iidooyin
  1. Camalka wanaagiisa iyo xumaantiisu waxay ku xiran tahay niyada iyo in Ilaahay loo khaalis yeelo camalka.
  2. Markuu yahay ujeedka jihaadku saraynta diinta Ilaahay, haday ku soo darsanto ujeedo kale sida in qaniimo la helo, taasi ma dhibayso asalka niyada.
  3. Wadanka oo laga difaaco cadawga iyo xurumaatka muslimiinta, waxay ka mid tahay dar Ilaahay oo loo laga dagaalamo.
  4. Fadliga ku soo arooray jihaadka wuxuu gaar u yahay midka u dagaalamaya inay diinta Ilaahay kor ahaato.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 136) (7458). صحيح مسلم (3/ 1513) (1904). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص753). الإعلام بفوائد عمدة الأحكام، لابن الملقن (10/ 380).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com