U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta xaajo gudashada

4 xadiis

Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا تَوَضَّأَ أَحَدُكُمْ فَلْيَجْعَلْ فِي أَنْفِهِ ثُمَّ لِيَنْثُرْ، وَمَنِ اسْتَجْمَرَ فَلْيُوتِرْ، وَإِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلْيَغْسِلْ يَدَهُ قَبْلَ أَنْ يُدْخِلَهَا فِي وَضُوئِهِ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لاَ يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ». ولفظ مسلم: «إِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلَا يَغْمِسْ يَدَهُ فِي الْإِنَاءِ حَتَّى يَغْسِلَهَا ثَلَاثًا، فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ».
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo Gacmihiisa intaanu Biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay Gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin Gacantiisa weelka ilaa uu seddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Mida 1aad: Qofki wayso qaadanaya waa inuu Biyaha Sanka geliyo, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Mida 2aad: Qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan Biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah seddex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Mida 3aad: Qofka ka toosa hurdada habeenka Gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu Gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday, kama aamin aha in Gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama Biyaha xumaynaya.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib San daarsigu marka la wayso qaadanayo, waana Biyaha oo inta neefta Sanka lagu jiido hadana neefta la soo raaciyo oo la soo firdhiyo.
  2. Waa Suno in Dhagaxa lagu istijoodo laga dhigo tira kinsi ah oo is dheer.
  3. Waa Sharci in la dhaqo Gacmaha seddex jeer marka hurdada Habeennimo laga soo tooso.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 43) (162). صحيح مسلم (1/ 233) (278). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص19). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 11).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta

عَنْ أَبِي أَيُّوبَ الأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا أَتَيْتُمُ الغَائِطَ فَلاَ تَسْتَقْبِلُوا القِبْلَةَ، وَلاَ تَسْتَدْبِرُوهَا وَلَكِنْ شَرِّقُوا أَوْ غَرِّبُوا» قَالَ أَبُو أَيُّوبَ: فَقَدِمْنَا الشَّأْمَ فَوَجَدْنَا مَرَاحِيضَ بُنِيَتْ قِبَلَ القِبْلَةِ فَنَنْحَرِفُ، وَنَسْتَغْفِرُ اللَّهَ تَعَالَى.
Abii Ayuub Alansaari -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: " Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.

Faa’iidooyin
  1. Xikmada ku jirta arinkaa waa wayneynta Kacbada sharafta leh iyo ixtiraamkeeda.
  2. Istiqfaartu waa marka laga boxo meesha lagu xaajo gudanaayo.
  3. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-si fiican ayuu wax u barayey dadka, waayo markuu sheegay wixii la diiday ayuu dadka u sheegay waxa u banaan.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 88) (394). صحيح مسلم (1/ 224) (264). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص37). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 39).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo

عَنْ أَبِي قَتَادَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا يُمْسِكَنَّ أَحَدُكُمْ ذَكَرَهُ بِيَمِينِهِ وَهُوَ يَبُولُ، وَلَا يَتَمَسَّحْ مِنَ الْخَلَاءِ بِيَمِينِهِ، وَلَا يَتَنَفَّسْ فِي الْإِنَاءِ».
Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa cad in Islaamku ugu horeeyey aadaabta iyo nadaafada.
  2. Waa in laga fogaado waxyaabaha qurunka ah, hadayse daruuri noqoto waa in gacanta bidix loo adeegsado.
  3. Waxaa la cadeeyey sharafta ay leedahay midigtu iyo inay wax dheer tahay bidixda.
  4. Shareecada Islaamku waa mid kaamil ah, cilmiga shareecaduna waa mid wax walba ku dhan yihiin.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 42) (154). صحيح مسلم (1/ 225) (267). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص41). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 45).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba

عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَألَ: كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا دَخَلَ الخَلاَءَ قَالَ: «اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الخُبُثِ وَالخَبَائِثِ».
Anas -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu rabo inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan geli jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka Shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.

Faa’iidooyin
  1. Ducadan ayaa la suneeyey in la akhristo marka la gelaayo suuliga.
  2. Dhamaan khalqiga oo dhan waxay baahi u qabaan Rabigooda, inuu ka difaaco wax kastoo dhib ah oo dhibaatayn, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 40) (142). صحيح مسلم (1/ 283) (375). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 23). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص36).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com