U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta

عَنْ أَبِي أَيُّوبَ الأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا أَتَيْتُمُ الغَائِطَ فَلاَ تَسْتَقْبِلُوا القِبْلَةَ، وَلاَ تَسْتَدْبِرُوهَا وَلَكِنْ شَرِّقُوا أَوْ غَرِّبُوا» قَالَ أَبُو أَيُّوبَ: فَقَدِمْنَا الشَّأْمَ فَوَجَدْنَا مَرَاحِيضَ بُنِيَتْ قِبَلَ القِبْلَةِ فَنَنْحَرِفُ، وَنَسْتَغْفِرُ اللَّهَ تَعَالَى.
Abii Ayuub Alansaari -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: " Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.

Faa’iidooyin
  1. Xikmada ku jirta arinkaa waa wayneynta Kacbada sharafta leh iyo ixtiraamkeeda.
  2. Istiqfaartu waa marka laga boxo meesha lagu xaajo gudanaayo.
  3. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-si fiican ayuu wax u barayey dadka, waayo markuu sheegay wixii la diiday ayuu dadka u sheegay waxa u banaan.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 88) (394). صحيح مسلم (1/ 224) (264). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص37). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 39).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Suulinta Najaasooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com