U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ka xishoon jiray, waayo Gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato

عَنْ عَلِيٍّ رضي الله عنه قَالَ: كُنْتُ رَجُلًا مَذَّاءً وَكُنْتُ أَسْتَحْيِي أَنْ أَسْأَلَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِمَكَانِ ابْنَتِهِ فَأَمَرْتُ الْمِقْدَادَ بْنَ الْأَسْوَدِ فَسَأَلَهُ فَقَالَ: «يَغْسِلُ ذَكَرَهُ وَيَتَوَضَّأُ». وَلِلبُخَاريِّ: فَقَالَ: «تَوَضَّأْ وَاغْسِلْ ذَكَرَكَ».
Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ka xishoon jiray, waayo Gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato.Bukhaarina waxaa ka sugnaaday: wuxuu yiri: "weyso qaado oo dhaq xubintaada Taranka."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay in Madi badani ka imaan jirtay - Madidu waa Biyo cad oo khafiif ah is jiidanaya, oo xubintaTaranka kasoo baxa marka dareenka Qofku jiro ama galmada ka hor-, mana garan wuxuu samaynayo marka ay kasoo baxdo Madidu, wuxuuna ka xishooday inuu waydiiyo nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo waa sayga Faadumo oo inanta Nabiga ah nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. wuxuu waydiistay Miqdaad Binu Aswad inuu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waydiiyo arinkaa. Wuxuuna ugu jawaabay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhaqo xubintiisa taranka ka dibna waysaysto.

Faa’iidooyin
  1. Xaddiiska waxaa ku cad fadliga Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-, xishoodku umadiidin su'aasha uu Suubanaha waydiin lahaa, oo qof kaluu u adeegsaday si uu u helo jawaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  2. way banaan tahay in Qof kale loo wakiisho su'aal cilmiyeedka fatwada ah.
  3. Way banaan tahay inuu Qofku iska waramo oo u sheegto Qof kale wax uu ka xishoonayo oo ay danta iyo maslaxadu keentay.
  4. waa nijaas Madidu, waxaana waajib ah in laga dhaqo jirka iyo dharkaba.
  5. Madida oo Qofka ka timaada waxay ka mid tahay wax yaabaha waysada Buriya.
  6. waxaa waajib ah in la dhaqo xubinta taranka iyo Xiniinyaha sida Xaddiis kale ku soo aroortay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 62) (269). صحيح مسلم (1/ 247) (303). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 39). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص53). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص29).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Suulinta Najaasooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com