labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.
- Namiimada iyo Kaadida oo aan la ka dhawrin waxay ka mid yihiin dambiyada waaweyn iyo asbaabta cadaabta qabriga.
- Wax yaabaha qaybka ah qaarkood oo Ilaahay muujiyey -sida cadaabta qabriga- waxay cadayn u tahay calaamada Nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
- Ficilka uu Nabigu sameeyey ee ah kala jeexida laanta Timirta ah ee uu ka taagay qabriga waxay khaas u tahay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo Ilaahay ayaa tusay xaalka labadaa qof ee qabriga ku jira, loogana qiyaas qaadan maayo cid kale, waayo Qofna ma oga xaalka dadka qabriga ku jira.
صحيح البخاري (1/ 53) (218). صحيح مسلم (1/ 240) (292). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص43). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص22). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 29).