عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يَبْسُطُ يَدَهُ بِاللَّيْلِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ النَّهَارِ، وَيَبْسُطُ يَدَهُ بِالنَّهَارِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ اللَّيْلِ، حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا».
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo Adoomadiisa, Hadii adoonku Maalintii dambaabo oo Habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii Habeenkii uu dambaabo oo Maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa Gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa Qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in Aduunkii dhamadaay, hadii Qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.
Faa’iidooyin
- Towbada waa la qabalayaa inta albaabkeedu furan yahay, Albaabkeedana waa la xirayaa hadii Qoraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo, iyo in Qofku towbo keeno inta aanay naftu soo gaarin dhuunta.
- Waa inaan la quusan danbi la qalay awgeed, Ilaahay cafintiisa iyo Naxariistiisu waa wayn tahay, albaabka towbaduna waa furan yahay.
- Shuruuda towbada: mida 1aad: dambiga oo la joojiyo. mida 2aad: waa in laga qoomameeyo dambigii. mida 3aad: waa inuu go'aansado inuusan ku noqon dambigaas waligi, waa haduu yahay xuq Ilaahay, haduuse yahay xaq aadane shuruuda towbada waxaa ku jira inuu xaqa aadanaha gudo oo qofkii uu ka galay u celiyo, ama uu ka cafiyo kii ku lahaa.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2113) (2759).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 35).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 103).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 55).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عَلِيٍّ قَالَ: إِنِّي كُنْتُ رَجُلًا إِذَا سَمِعْتُ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ حَدِيثًا نَفَعَنِي اللهُ مِنْهُ بِمَا شَاءَ أَنْ يَنْفَعَنِي بِهِ، وَإِذَا حَدَّثَنِي رَجُلٌ مِنْ أَصْحَابِهِ اسْتَحْلَفْتُهُ، فَإِذَا حَلَفَ لِي صَدَّقْتُهُ، وَإِنَّهُ حَدَّثَنِي أَبُو بَكْرٍ، وَصَدَقَ أَبُو بَكْرٍ، قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَا مِنْ رَجُلٍ يُذْنِبُ ذَنْبًا، ثُمَّ يَقُومُ فَيَتَطَهَّرُ، ثُمَّ يُصَلِّي، ثُمَّ يَسْتَغْفِرُ اللهَ، إِلَّا غَفَرَ اللهُ لَهُ»، ثُمَّ قَرَأَ هَذِهِ الْآيَةَ: {وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنْفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ} [آل عمران: 135].
Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ahaa nin haduu Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Xadiis ka maqlo Ilaahay ku anfici jiray intuu doono, haduu nin Asaxaabta Rasuulka ahi ii sheegana waan dhaarin jiray, markuu iidhaarto ayaan rumaysan jiray, Abuu Bakar baa ii sheegay, waa run sheege, wuxuu yiri: waxaan Rasuulka Ilaahay ka maqlay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Majiro Nin dambaabaya dambi, oo intuu kaco dahaara qaadanaya Salaadna tukanaaya, ka dibna istiqfaarsanaya, haduu jirose Ilaahay wuu u dambi dhaafayaa isaga", intaa ka dib Aayaddanuu akhriyey: "kuwa marka ay dambi xun sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya ee dambi dhaaf way diisanaya" [Aala cimraan:135].
Waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in uusan jiro adoon inta uu dambaabo dambi, sifiican u wayso qaata, oo labo Rakcadood oo tawbo keen ah tukada, intaa ka dibna Ilaahay waydiista dambi dhaaf, Ilaahay uu u dambi dhaafayaa. Intaa ka dib wuxuu akhriyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, Aayadaan qur'aanka ah: {kuwa marka ay xumaan sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya, ee dambiyadooda Ilaahay inuu u dhaafo waydiisanaya, Ilaahay mooyee ma cid kalaa dhaafta dambiyada, kuwaasoo aan ku adkaysan dambiyada ay sameeyeen} [Aala cimraan:135].
Faa’iidooyin
- waxaa lagu boorinayaa dadka Salaada ka dibna istiqfaar marka dadka dambi ka dhoco.
- Xadiiska waxaa ku sugan dambi dhaafka Ilaahay waasac nimadiisa iyo in Ilaahay aqbalaayo towbada iyo istiqfaarta.
Tixraac
سنن أبي داود (2/ 630) (1521)، سنن الترمذي (1/ 431) (406)، السنن الكبرى للنسائي (10/ 51) (11012)، سنن ابن ماجه (2/ 403) (1395)، مسند أحمد (1/ 179) (2)، فتح الباري لابن حجر (11/ 99)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 674).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com