Abii Muusa Alashcari Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah:
nooca 1aad: waa Qofka la fadhiya Saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad Caraf udgoon ka heshid.
nooca 2aad: waa kan la fadhiya Saaxiibka Xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la Saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay Bir tumaha afuufa Dabkiisa, waa inay kaa gubaan Dharkaaga Dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto Ur qarmuun.
Faa’iidooyin
Way banaan tahay in tusaale la soo qaato si loogu soo dhaweeyo macnaha cida hadalka dhagaysanaysa.
Waxaa la isku boorinayaa oo la is jeclaysiinayaa in la la fariisto dadka Ahlu daacada iyo wanaaga ah, oo laga fogaado dadka Ahlu fasaadka ah iyo kuwa akhlaaqda xun.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 96) (5534).
صحيح مسلم (4/ 2026) (2628).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 431).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 339).
شرح النووي على مسلم (16/ 178).
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey Nabiga- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.
Faa’iidooyin
Waxaa la sheegay inay macaasida iyo fitanku aad u badan doonaan aakhiru samaanka.
صحيح البخاري (9/ 58) (7115)، صحيح مسلم (4/ 2231) (157)، إكمال المعلم (8/451)، شرح ابن بطال (10/58)، الإفصاح عن معاني الصحاح (6/295)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (44/ 388).