Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey Ummaddiisa ducada la oranaayo marka Masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur Albaabada Naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo Naxariistiisa, markuu Qofku damco inuu ka boxo Masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto Fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.
- Waa Suno in lagu ducaysto ducadan marka Masaajidka la gelayo iyo marka laga baxayaba.
- Waxaa loogu gaar yeelay Raxmada waqtiga gelitaanka Masaajidka, Fadligana waqtiga laga bixiyo: waa in Qofka sii gelaya Masaajidka uu ka shaqaynaayo wax u dhawaynaya Ilaahay iyo Janadiisa markaasay munaasab u noqotay in la xuso Raxmada, haduu ka boxo Masjidkana wuu shaqo tagayaa isago raadinaaya Ilaahay fadligiisa risqigu ka mid yahay, markaas ayey munaasab noqotay in Fadliga la xuso.
- Adkaartaan waxaa la oranayaa marka la rabo in masjidka la galo, iyo marka la rabo in laga soo boxo Masjidka.
صحيح مسلم (1/ 494) (713)، الكاشف عن حقائق السُّنن (3/935)، فيض القدير (1/ 336)، ذخيرة العقبى (9/153).