عَن عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي لَيْلَى أَنَّهُمْ كَانُوا عِنْدَ حُذَيْفَةَ، فَاسْتَسْقَى فَسَقَاهُ مَجُوسِيٌّ، فَلَمَّا وَضَعَ القَدَحَ فِي يَدِهِ رَمَاهُ بِهِ، وَقَالَ: لَوْلاَ أَنِّي نَهَيْتُهُ غَيْرَ مَرَّةٍ وَلاَ مَرَّتَيْنِ -كَأَنَّهُ يَقُولُ: لَمْ أَفْعَلْ هَذَا-، وَلَكِنِّي سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «لاَ تَلْبَسُوا الحَرِيرَ وَلاَ الدِّيبَاجَ، وَلاَ تَشْرَبُوا فِي آنِيَةِ الذَّهَبِ وَالفِضَّةِ، وَلاَ تَأْكُلُوا فِي صِحَافِهَا، فَإِنَّهَا لَهُمْ فِي الدُّنْيَا وَلَنَا فِي الآخِرَةِ».
Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuu yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad moodid inuu leeyahay: sidaa ma sameeyeen, laakiin Nabigaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u diiday Ragga inay xirtaan dharka Xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Ragga iyo Dumarkana wuxuu ka reebay inay ku cunaan ama ku cabaan Weelasha ka samaysan Dahabka iyo Fidada. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay inay Mu'uminiitu gaar u yeelan doomaan Maalinta Qiyaamaha, waayo Aduunka ayey uga tageen iyagoo Ilaahay ku adeecaya. Gaaladuse alaabtaa ma helayaan Aakhiro, waayo noloshoodii
Aduunka ayey ku soo hor marsadeen wanaagoodii wayna soo isticmaaleen alaabtaas, Ilaahayna way ku caasiyeen.
Faa’iidooyin
- Ragga waa ka xaaraan inay ku labistaan Xariirta iyo Diibaajka, goodi adag ayaa ugu soo arooray Qofkii labista.
- Haweenka waa u banaan tahay inay ku labistaan Xariirta iyo Diibaajka.
- Waa xaaraan in wax lagu cuno oo wax lagu cabo weelasha Dahabka iyo Fidada weelasha labadaas laga sameeyey Ragga iyo Dumarba waa ka xaaraan.
- Xudayfa aad ayuu u adkeeyey diidmada isticmaalka weelashaa kor ku xusan, waayo ninkaan mar wax ka badan ayuu ka reebay isticmaalka weelasha Dahabka iyo Fidada, laakiin ma uusan ka joogsan.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 77) (5426).
صحيح مسلم (3/ 1638) (2067).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، عبد الله البسام (ص729).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَن أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا يَنْظُرُ الرَّجُلُ إِلَى عَوْرَةِ الرَّجُلِ، وَلَا الْمَرْأَةُ إِلَى عَوْرَةِ الْمَرْأَةِ، وَلَا يُفْضِي الرَّجُلُ إِلَى الرَّجُلِ فِي ثَوْبٍ وَاحِدٍ، وَلَا تُفْضِي الْمَرْأَةُ إِلَى الْمَرْأَةِ فِي الثَّوْبِ الْوَاحِدِ».
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay uu yiri: "Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, Haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale, ninna yaanu la huwan nin kale hal maro, Haweenayna yaanay Haweenay kale la huwan hal maro."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in ninku eego cawrada nin kale, iyo inay Haweenaydu eegto cawrada Haweenay kale.
cawraduna: waa wax kastoo laga xishoodo hadii ay muuqato, cawrada ninkuna waa inta u dhaxaysa xuduntiisa iyo lawgiisa, Haweenayduna dhamaanteed cawro ayey ka tahay Ragga ajaanibta ah, Dumarka iyo Ragga Maxaarimteeda ahna waxay u muujinaysaa inta ay muujiso marka ay guriga ka shaqaynayso.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay inuu ninku ninkale hal maro ama wax kalaba kula keliyoobo iyagoo qaawan, wuxuu kaloo reebay in Haweenay ay Haweenay kale hal maro ama wax kale kula keli noqoto iyagoo wada qaawan, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in Qofba Qofka kale cawradiisa taabto, taabashadeeduna waa xaaraan sida eegmadeeda loo xaaraan tinimeeyey, oo waliba way kasii daran tahay, waxayna keenaysaa fasahaad kasii wayn.
Faa’iidooyin
- Waa la reebay in la eego cawrooyinka marka laga reebo ninka iyo xaaskiisa.
- Islaamku wuxuu ku dadaalay in Bulshadu daahir ahaato oo la xiro dariiq walba oo faaxisho keenaya.
- Way banaan tahay eegmada cawradu markay baahi keento sida daawaynta iyo wixii la mida, waana inaan shahwad loo taaban.
- Qofka Muslimka ah waxaa la faray inuu cawradiisa asturo oo indhihiisana ka laabto cawrada dadka kale.
- waxaa reebida lagu gaar yeelay Ragga la jooga Ragga kale iyo Dumarka la jooga Dumar kale, waayo taasi waxay keenaysaa inay is eegaan oo cawrada faydaan.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 266) (338).
نزهة المتقين، مجموعة من الباحثين (2/ 1118).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (19/ 288).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (3/ 146).
إكمال المعلم بفوائد مسلم، لعياض بن عياض (2/ 186).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 363).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com