U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta Booqashada iyo idin qaadashada

1 xadiis

Nabigu scw inuusan diidi jirin catarka

عن أنس بن مالك رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ لَا يَرُدُّ الطِّيبَ.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nabigu scw inuusan diidi jirin catarka.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Dhaqanka Nabiga scw waxaa ka mid ahaa in aanu diidin catarka oo aqbali jiray, waayo waa khafiif la qaadan karo oo udgoon.

Faa’iidooyin
  1. Waa sune in la aqbalo siinta catarka, waayo culays malaha qaadistiisu dhibna malaha aqbalkiisu.
  2. Akhlaaq wanaaga kaamilka ah ee Nabiga scw waxaa ka mida inuusan diidin catarka, oo uu ka aqbalo hadiyada qofka u keena.
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in catarka la isticmaalo.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 157) (2582). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 560). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة قاسم (4/ 9). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (2/ 1213).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com