Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro
Caa'isha waxay sheegtay Allaha ka raali ahaad inuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ahaa mid aad ugu dadaala xuska Ilaahay, oo xusa Ilaahay goor kasta, meel kasta, xaalad walba.
- Looma shardiyo xuska Ilaahay inuu Qofku ka dahaaro qabo Xadaska yar iyo Xadaska weyn midna.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu joogtayn jiray xuska Ilaahay.
- Waxaa lagu boorinayaa dadka inay badsadaan xuska Ilaahay xaalad kasta, taasoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, marka laga reebo xaaladaha aan la ogolayn xuska Ilaahay, sida waqtiga xaajo gudashada.
صحيح مسلم (1/ 282) (373). صحيح البخاري (1/ 68)، (1/ 129). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (1/ 315). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (1/ 273). مجموع فتاوى ومقالات، لابن باز (26/ 17).