U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: إنه سمع نبي الله صلى الله عليه وسلم يقول: «لَو أَنَّكُمْ تَتَوَكَّلُونَ عَلَى اللهِ حَقَّ تَوَكُّلِهِ، لَرَزَقَكُمْ كَمَا يَرْزُقُ الطَّيْرَ، تَغْدُو خِمَاصًا وَتَرُوحُ بِطَانًا».
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan ".
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inagu boorinayaa inaan Ilaahay casa wajala, ku kalsoonaano markaan nafaca doonayno ama dhib iska reebayno aduun iyo ِ Aakhiroba ku saabsan, waayo cid aan Ilaahay ahayn wax ma bixiso wax ma diido, wax ma dhibto waxna ma tarto. Nabigu wuxu inagu boorinayaa inaan la imaano asbaabta keenaysa inaan nafac doono iskan joojino dhibka inagoo Ilaahay si dhab ah ugu kalsoon, goortaan sidaa samayno Ilaahay wuxuu inoo irsaaqayaa sida uu shimbirta u irsaaqo, waxay baxdaa subixii iyadoo baahan ka dib waxay soo laabataa galabtii iyadoo calooshu u buuxdo, ficilkaa ay shimbirtu samaysay waa nooc asbaabtii raadinta iyo doonista irsaaqada ah, iyadoo aan la samaynayn isku halayn iyo caajis midna.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay talo saarashada llaahay, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu weyn ee arsaaqada lagu doono.
  2. Talo saarashada Ilaahay ma diidayso in ficil iyo asbaab lala yimaado, waayo wuxuu sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawakulka dhabta ahi kama hor imaanayo in aroortii iyo galabtii irsaaqad la doonto.
  3. Shareecadu waxay ahmiyada siisaa acmaasha Qalbiga, waayo tawakalku waa camal Qalbiga ah.
  4. Asbaabta kaligeed in la isku haleeyo waa nusqaanta Diinta, asbaabta oo laga tagana waa nusqaanta Caqliga ah.
Tixraac

سنن الترمذي (4/ 166) (2344). سنن ابن ماجه (5/ 266) (4164). مسند أحمد (1/ 332) (205). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص103). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص152). الأحاديث الأربعون النووية وعليها الشرح الموجز المفيد، لعبد الله المحسن (ص91).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga camalka Qalbiga

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com