qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada muujiya, Qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada siraystay
عن عُقبة بن عامر الجُهني رضي الله عنه قال: قال رسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم: «الجاهِرُ بالقرآن كالجاهِرِ بالصَّدَقَةِ، والمُسِرُّ بالقرآن كالمُسِرِّ بالصَّدَقَة».
Cuqba Binu Caamir Aljuhani Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey nuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada muujiya, Qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada siraystay".
Qur'aanka akhrintiisa in la qariyo ayaa fadli badan, sida qarinta Sadaqaduba ay u fadli badan tahay, waayo waxaa ku jira ikhlaas iyo iyado laga fogaado istustus iyo is cajabin, inay dan iyo maslaxadi keento muujintiisa mooye, sida barida Qur'aanka.
Tixraac
سنن أبي داود (2/ 494) (1333)، سنن الترمذي (5/ 40) (2919)، سنن النسائي (5/ 80) (2561)، الكاشف عن حقائق السُّنن (5/1688)، شرح أبي داود للعيني (5/238)، تحفة الأحوذي (8/ 191)، التنوير في شرح الجامع الصغير (5/286).