Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin
Wuxuu ku habaaray Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -duli iyo ceeb heer uu sankiisa ciida galiyo-saddex jeer buu ku cel-celiyey- markaasaa la waydiiyey: waa kee kan aad habaartay Rasuulkii Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: waa qofka soo gaara labadiisa waalid oo gaboobay-midkood ama labadoodaba- ee ay sabab ugu noqon waayaan inuu janada galo, sababtoo ah uma uu ixsaan falin waana ku caasiyoobay.
- Waa waajib in baari loo noqdo labada waalid, waxayna ka mid tahay asbaabta janada lagu galo, gaar ahaan markay gaboobaan ama ay taag daran yihiin.
- Waalidka in lagu caasiyo waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn.
صحيح مسلم (4/ 1978) (2551). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (1/ 394). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (1/ 308). فيض القدير شرح الجامع الصغير، زين الدين المناوي (4/ 34). شرح النووي على مسلم، (16/ 108).