U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى رُخَصُهُ، كَمَا يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى عَزَائِمُهُ».
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihise waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.
Waxaa wariyay Ibnu XibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta Salaada iyo jamcinteeda Sida Ilaahay u jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.

Faa’iidooyin
  1. Ilaahay wuu u naxariistay Adoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in la qaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada Shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.
Tixraac

صحيح ابن حبان (2/ 69) (354)، فيض القدير (2/292)، نيل الأوطار (3/244).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Xugunka Sharciga ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com