عن النُّعمان بن بَشير رضي الله عنه قال: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ -وَأَهْوَى النُّعْمَانُ بِإِصْبَعَيْهِ إِلَى أُذُنَيْهِ-: «إِنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ، فَمَنِ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً، إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ».
Nucmaan Binu Bashiir Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: wuxuuna Nucmaan la aaday labadiisa farood dhagahiisa: "Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxaana u dhexeeya shubuhaat, oo dad badani aysan aqoon, Qofka ka dhowrsada shubuhaatka wuu ilaaliyey Diintiisa iyo Cirdigiisa, Qofkase ku dhaca shubuhaatka xaaraan buu ku dhacay, sida xoola raaca seeraha ku ag raaco waxay u dhawdahay in xooluhu u dhacaan oo daaqaan", war hooy boqor walba wuxuu leeyahay seero, war hooy seeraha Ilaahay waa wuxuu xarimay, war hooy jirka waxaa ku jira xubin, haday hagaagto jirkoo dhan uu hagaagayo, haday xumaatana jirkoo dhan uu xumaanayo,war hooy taasi waa qalbiga.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaacido guud oo shay walba soo galayo, taasoo u qaybsamaysa seddex qaybood: qayb xalaal ah oo cad, qayb xaaraan ah oo cad, iyo arimo mushtabihaat ah oo aan xugunkoodu xalaal iyo xaaraan kii uu yahay aysan cadayn, kuwaasoo dad badani aanay ogaan karin.
Qofka ka taga mushtabihaatka wuu ilaaliyey Diintiisa wuxuuna ka fogaaday xaaraanta, waxaana cirdigiisu ka badbaaday hadalka dadka oo ah waxay ku ceebayn lahaayeen haduu ku dhici laha mushtabihaatka. Qofkase aan ka fogaan shubuhaatka dhab ahaan naftiisu waxay halis u tahay inay xaaraan ku dhacdo ama in dadku cirdigiisa wax ka sheegaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u soo qaatay, si uu u cadeeyo arinka qofka shubuhaatka ku dhaca, inuu yahay sida qof xoolaha ku ag raaca dhul ninkii lahaa dayr ku wareejiyey, waxaa laga yaabaa in xoolahaasi daaqaan dhulkaa xiran waayo way u dhaw yihiin, taas waxaa la mida qofka ku dhaca shubuhaadka, waayo wuxuu u dhawaanayaa xaaraantii waxaa dhici karta inuu ku dhaco. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in jirka ay ku jirto xubin " waa qalbiga ", uu wanaageeda jirkoo dhan ku hagaago, xumaanteedana jirkoo dhan ku xumaanayo.
Faa’iidooyin
- Waxaa la isku boorinayaa in laga fogaado shubuhaatka aan xugunkoodu Qofka u cadayn.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 20) (52).
صحيح مسلم (3/ 1219) (1599).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثا النووية (ص18).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص105).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص41).
فتح الباري لابن حجر (4/ 291).
شرح النووي على مسلم (11/ 28).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى رُخَصُهُ، كَمَا يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى عَزَائِمُهُ».
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihise waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.
Waxaa wariyay Ibnu XibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta Salaada iyo jamcinteeda Sida Ilaahay u jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.
Faa’iidooyin
- Ilaahay wuu u naxariistay Adoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in la qaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
- Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada Shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.
Tixraac
صحيح ابن حبان (2/ 69) (354)، فيض القدير (2/292)، نيل الأوطار (3/244).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com